Xiisado colaad oo ka taagan deegaano u dhaxeeya gobollada Bakool iyo Hiiraan

Xiisado colaad oo ka taagan deegaano u dhaxeeya gobollada Bakool iyo Hiiraan

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya deegaannada u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Bakool ayaa sheegaya in ay soo gaareen ciidammo  ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya, kadib weerar Al-shabaab ay ka geysteen deegaanka Qurac –joomo oo ku yaala inta u dhaxeysa labada gobol.

Dagaal culus oo dhaxmaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo Al-shabaab ayaa inta la og-yahay waxaa ku dhintay 10 ruux, halka tiro kalana ku dhaawacmeen, kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada ay u lahaayeen deegaannada u dhaxeeya labada gobol.

Dad ku dhaqan deegaannada lagu diriray oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in xaalada waqtigan tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda Itoobiya ee qeybta ka  howlgalka AMISOM halkaa ka wadaan dhaq dhaqaaqyo militari oo ay ku baacsanayaan Al-shabaab.

Xarrakada Al-shabaab ayaa horay looga qabsaday degmooyin dhowr ah oo ka tirsan labada gobol Hiiraan iyo Bakool, hasse ahaatee mar marka qaar waxaa ay weeraro culus ka geystaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaa oo sababa khasaare ballaaran oo soo kala gaara labada dhinac.

Deegaannada la sheegay in ay u dagaallameen Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa dhinaca kale xad la leh dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana xusid mudan in Al-shabaab iyo ciidamada dowlad deegaannka Soomaalida Itoobiya ee Liyu booliiska marar hore ku dagaallameen gobolka Bakool.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada