Habeenkii Aan Geesiga Noqday ! Dhacdo Jaceyl

Habeenkii Aan Geesiga Noqday ! Dhacdo Jaceyl

daajis.com:-Noolaha waxaa iska caadi ah inuu deris la yahey Jaceylka hasse ahaatee waxaa aan caadi aheyn inuu ruux walba ka gaaro guul! haa guul laakiin guushuba ha dambeysee waxaa jira in ruuxa ay ku adkaaneyso inuu gudbisto jaceylkiisa una bandhigto ruuxa markaas beerqaadey.

Haddaba aniga waxaan ahaa ruux uu daahshadey jaceylkaas waxaana i beerqaadey inan aanu maalin ku kulaney xaafad saaxiibkey leeyahey, aniga iyo saaxiibkeygana marar badan ayaan ka shuureyney sidaan weerar ugu qaadi laheyney gabartaas!

Saaxiibkeyga waxaa uu tala igu siiyey inaan gabadha si toos ah ugu sheegto, gabadhu waxaan badanaa ku arkaa dukaan ku ag yaalla guriga saaxiibkayaga dukaankaas oo uu leeyahey saaxiibkeyga abitigiisa badanaana habeenkii ani iyo asaga _waa saaxiibkeygee_ayaa joogno.

gabadhu badanaa waanu kaftannaa laakiin arimaha qalbigeyga ka guuxa awood uma lihi inaan ugu bandhigto xatta ma dareensiin karo siduu iiga awood batey jaceylkaa, habeen ayaan ku iri “Miski waxaan rabaa in aan kula shiro” waxey aheyd erey bilow ahaa oraahdiisana adkeyd waxeyna iigi jawaabtey “ok laakiin hadda alaabtan ayaan guriga geynayaa then waan kuu soo laabanaa” waxaan dareemey geesinimo yar markii ay baxdeyna aniga saaxiibkeyga waxaanu ku balanay in aan caawa fursadaan ka faa’ideysto.

Markii ay soo laabatey ayey inya iridka soo istaagtey iigi baaqdey in ay diyaar soo noqotey anna durba waxaan ka kacey fadhigii waxaana gabadhii u raacey koonaha dukaankii markaan meel yara istaagney oo iridka dukaan iyo iridka gurigaba yara baxsan ayaan waxaan bilaabey in aan soo faago waxa qalbigayga ku jirey “horta Miskiyey wxaa la yiri waxaad qarsataba wey ku qarsadaan anna waxaa jirta wax aan in badan qarsanaayey laakiin qalbiga ii diidey in aan sii qarsado waayo waxaa ay igu noqdeen boholyoow iyo lur! adduunkaan waxaa jira jaceyl kaas oo aan kula tashaneynin kuna soo weerara aniga weerarka dhankaaga ayuu iga soo gaarey” intaas ayaan si geesinimo usoo tufey tiiyoo uu dhidid hoosaas iga qubanayo!


Waxaan dareemey in gabadhu ay u yara guuxdey hanaanka aan ula hadley waxaana durba usii raaciyey intii aaney hadal i oran “Miski kuma dhahaayo qasab igula qaad laakiin waxaad ogaataa in xitta kuu sheegashadeyda ay iiga dhigan tahey in aan kura nafisaayo, runtii haddii aad i dhahdo xitta cid kale ayaan wax la wadaa kaama xumaanayi balse gunta ayaa ah in aan la ildaranahey jaceyl wiifto ah, waxaana ugu dambeyn kaa filayaa in aad ugu yaraan ii oran doonto hadal dagan oo laab qabooyin ah!”

Waxaa intaas iiga baxey waa in aan ka qaadey dhiirinaan waxaan ku dhiiradey in aan gabadha si quman u fiiriyo ayadoo ay iga maqan tahey cabsi gabadhii ayaan iigu jawaabtey “horta Axmedoow waa runtaa waxaad qarsato wey ku qarsadaan aniguna runtii kuma oranaayo hadal xun waxaan kuugu bishaareynaa hadalkaaga waan soo dhaweynaa laakiin bishardi waa in aad noogu dhigtaa ilaa usbuucyo mid qarsoodi” intaan farxad is heyn waayey ayaan gabadhii waxaa ku boobey salaan gacan qaad ah anigoo dhahaaya “mahadsanid abaayo waana igu balan taas”

Gabadha oo ay aheyd mid jaah iyo asluub iyo garasho u saaxiib aheyd ayaa waxey i siiyey telefoonkeeda gacanta waxeyna iga qoratey keygaa waxaana halkaas ku bilowney waayo cusub, halkii ayaanu isku macsalaameyney, markii aan saaxiib u imaadey ayaan u sheegey in aan isasoo fahamney laakiin aay iga codsatey in aan dhowr week si hoose u wada xiriirno aniga saaxiib wax kama qarsan jirinee!

Dhowr usbuuc ayaan ku wada xiriireyney telefoonka anagoo markii dambe kala qaadanay cinwaano goobaha bulshada ku wada xiriirto ee internetka ah, waxaana halkaas ku kobciney jaceyl kaas oo markii isu rogey mid daruuraha gaaraya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada