daajis.com:-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa cayaartay siyaasad cusub oo
cajiib ah, taasi oo ay kaga adkaaneyso maamulada Somaliland iyo
Puntland, shabakada Daajis ayaa sidaas ogaatay.
Ilo xog-ogaal ah ayaa shabakada Daajis u sheegay in dowladda
federaalka ay tahay maskaxda ka dambeysa in Cali Khaliif Galayr uu noqdo
madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.
“Galayr iyo dowladda waa ay is og yihiin, ayadaa halkan ka dirtay,
dhaqaale bandanna siisay, si loo dhiso maamulka Khaatumo State, taasi oo
lagu wiiqayo awoodaha maamulada Somaliland iyo Puntland” waxaa sidaas
yiri qof xog ogaal ah oo ku sugan Villa Somalia, oo shabakada Daajis la
hadlay.
Waxa uu sheegay in inkasta oo maamulka Khaatumo uu horey u jiray,
haddana madaxweynenimada Galayr ee maamulkaas ay miisaan culus ku
dareyso maamulka, ayna tahay arrin ay dowladda dooneysay.
Maamulka Khaatumo State, ayaa ka kooban gobollada Sool iyo Sanaag, oo ay Somaliland iyo Puntland labada sheegtaan.
Xogta shabakada Daajis ayaa sidoo kale sheegeysa in beesha caalamka
ay sidoo kale qorshahan la ogtahay dowladda federaalka, islamarkaana la
filayo in dhowaan ay dowladda aqoonsato Khaatumo State, caalamkuna uu
taageeri doono.
Waxa ay tani ka dhigi doonaa in maamulka Somaliland kusoo koobmo
saddex gobol, halka Puntland uu noqon doono kaliya laba gobol, maadaama
horey Mudug loo raaciyey Gal-Gaduud.
Aqoonsiga DF iyo beesha caalamka ee Khaatumo State, ayaa sidoo kale
suurta gelin doona in Somaliland iyo Puntland ay joojiyaan gardarrada ka
dhanka ah dadka Sool iyo Sanaag iyo ku dagaalanka dhulkooda, haddii
kalena ay wajihi doonaan cadaadis caalami ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:48 and have
, Published at