Tirada dadka Al-Shabaab ay ku dishay Kenya oo la shaaciyey (Ma aamini doontid)

Tirada dadka Al-Shabaab ay ku dishay Kenya oo la shaaciyey (Ma aamini doontid)

daajis.com:-Warbaahinta Kenya ayaa maanta oo Isniin ah baahiyay warbixin ka hadleysa dadka ku dhintay weerarrada kooxda Shabaab ay ka geesaneyso dalkaas tan iyo sannadkii 2011-ka.

Wargeyska The Stander ee Nairobi ka soo baxay ayaa qoray in Shabaabka Soomaaliya seddaxdii cisho ay dili jireen hal qof.

Kenya ayaa tan iyo bishii October sannadkii 2011-ka waxaa lagu dilay in ka badan 370 qof halka dad ku dhow 2000 lagu dhaawacay sidda lagu sheegay warbixinta Wargyska The Stander.

Weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Kenya oo dad badan ay ku dhintaan ayaa ahaa kii ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi 21-kii bishii September sannadkii 2011, waxaana ay gaarayeen ilaa 70 qof dad kale oo badan waa ay ku dhaawacmeyn.

Weerarkii labaad ee dad ay ku dhintaan ayaa ka dhacay deeganka Laamuu ee xeebta ku taalla halkaasoo weerarro dhowr ah oo ka dhacay ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in dad kale oo rayid lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari Kenya.


Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degmada Mandheera wuxuuna ku soo beegmay sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay weerarkii Westgate ee Nairobi oo bishii September ahaa sannadkii hore.

Weerarrada Kenya ka dhacaya ayaa curyaamiyay dhaqaalaha ka soo gali jiray dalxiisayaasha taga dalkaas ku yaalla geeska Afrika.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada