Daawo:-Nin la qisaasay, xabado badana lagu dhuftay oo lagu arkay wax aan weli la maqal.! (Daawo Mucjiso culus)

Daawo:-Nin la qisaasay, xabado badana lagu dhuftay oo lagu arkay wax aan weli la maqal.! (Daawo Mucjiso culus)

daajis.com:- Nin dil toogasho lagu fuliyay, ka dibna markii dhimashadiisa lagu qancay, eheladiisa Mayd ahaan loogu gacan geliyay, ayaa saacado ka dib la arkay isaga oo nool, waxaana ninkaas oo rasaas tiro badan lagu dhuftay, ehelkiisu inuu nool yahay ay ogaadeen, wax yar ka hor intaanay xabaasha u qaadin.

Ninkan oo lagu magacaabo, Cali Muntasar, waxa uu 11-sanadood ku xidhnaa xabsi ku yaala degaanka Maxwayt ee waqooyiga bari Yemen, waxaana dil uu gaystay awgeed lagu xukumay in la qisaaso, ka dibna xukunkii ayaa lagu fuliyay iyadoo dadkii uu qofka ka dilayna goob joog ka ahaayeen, waxaana markii lagu qancay dhimashadiisa isagoo mayd ah, loo gacan geliyay eheladiisa, si ay u aastaan, wax rejo ahna kamay qabin inuu noolaan doono.

Hasa yeeshe markii la maydhayay ayuu noolaaday, oo cusbitaalka loola cararay, dhiig loo shubay, laguna daweeyay, waxaanu imika waraysigan ku bixiyay gurigiisa, isaga oo dhaawacyada rasaastii lagu toogtay dhabarka, wadnaha iyo meelo badan oo jidhkiisa ah dhaawacoodu ka sii muuqdo, ninkan ayaa sheegay in dilka uu gaystay aanu badheedh ahayn, dadkii marxuumkaasi ka dhashayna ay diideen, magtii, isna uu Illaahay talo saartay, sidii riyada oo kalana Alle uga dhigay, markii xukunka lagu fulinayayna aanu xanuun iyo dhibaato midna
dareemin.

Riix Halkan Si’Aad U Daawato Video


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada