Jabuuti oo dib u celisay diyaarad dalka Iran laga lee yahay, markii loo diiday in Garoonka Djibouti ka soo degato

Jabuuti oo dib u celisay diyaarad dalka Iran laga lee yahay, markii loo diiday in Garoonka Djibouti ka soo degato

daajis.com:- Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxay celisay mid ka mid ah diyaaradaha dalka Iran, xilli diyaaraddu ay dooneysay inay ka soo cago dhigato Garoonka Duulimaadyada ee Magaalada Djibouti.

Warbaahinta Iran, ayaa tebisay in diyaaraddu ay gargaar u siday dadka reer Yemen, isla-markaana aynaan Dowladda Jabuuti ka hadlin waxa ay ku diiday in diyaaraddu ka soo degato dalkeeda.

Warbaahinta, ayaa xaqiijisay in diyaaraddu ay dib kaga soo laabatay dalka Jabuuti, kuna soo laabatay dalka Iran, sababo la xiriira iyadoo dalka Jabuuti loo diiday.

Warbaahinta Iran, ayaa Jamhuuriyadda Jabuuti ku eedeysay inay fulineyso awaamiirta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, bacdamaa ay xurguf kala dhaxeyso Iran.


Jimcihii shalay, ayaa waxaa Dekeda Magaalada Djibouti soo gaaray markab laga lee yahay dalka Iran, kaasoo gargaar u sida dadka u dhashay dalka Yemen, ee gargaarka u baahan.

Jabuuti waxay diiday in markabkaasi uu dalkeeda yimaado, haddii kalana ay Qaramada Midoobe baaritaano ku sameyso, si loo xaqiijiyo ammaanka gobolka.

Iran, ayaa la sheegay inay markabkaasi dalka Jabuuti ugu leexisay, si aynaan isugu dhicin Ciidamada Sacuudiga, oo bad, cir iyo dhulba ka go’doomiyay dalka Yemen, iyadoo laga duulaayo inaan wax hub ihi la soo gaarsiinin gacanta Xuuthiyiinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada