Shariif Xasan Oo Godkiisa Biyo Ugu Galeen Iyo Khilaafkii Ugu Darnaa Oo Ka Taagan…

Shariif Xasan Oo Godkiisa Biyo Ugu Galeen Iyo Khilaafkii Ugu Darnaa Oo Ka Taagan…

daajis.com:- Wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Shirar gooni gooni ah oo lagu soo xulayo Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi uu si xooli ah uga socdo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Barnaamijka xulista ayaa waxaa ka qeybqaadanaayo Odayaal, Siyaasiyiin iyo waxgarad oo iyagu qaarkood wata xubno uga mid noqonaayo Baarlamaanka cusub.

Qaabka loo xulaayo ayaa la sheegayaa inay isku fahmi la’ yihiin Beelaha halkaasi kasoo wada jeeda oo iyagu mid waliba uu ku jiro sad bursi.

Odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa siyaabo kala duwan warbaahinta ugu xaqiijiyay in wakhtiyada dhow ee nagu soo aadan si rasmi ah loo soo xuli doono xubnahaasi islamarkaana la soo afmeeri doono mashruuca lagu yagleelayo Baarlamaanka uu yeelan doono Maamulka Koonfur galbeed.

Ugaas Cabdullahi Cabdiraxmaan oo ka mid ah Odayaasha ku sugan Magaalada Baydhab ayaa sheegay in ay jiraan qaar ka tirsan Beelaha ku sugan Magaaladaasi oo dhaliilsan qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Koonfur Galbeed.


Waxa uu farta ku goday in Soomaalidu ay dhaqan u noqotay dhaliilida wax waliba oo lagu hagaajinaayo qaladaadka jira.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa dhawaan laga furay Munaasabad lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada