Xildhibaanada Mooshinka Oo Farriin Kulul Loo Diray!

Xildhibaanada Mooshinka Oo Farriin Kulul Loo Diray!

daajis.com:- Abdirahman Abdullahi Dhubad (Dr.Daqare) oo ka Tirsan Aqoonyahanka Soomaaliya , Horayna uga mid ahaa Dowlada Hoose ee Muqdisho, islamarkaana Agaasime ka soo noqday Dowlada Dhexe , ayaa Baarlamaanka Xukuumada iyo Madaxtooyada dhamaan ugu Baaqay , in ay joojiyaan Mooshinka iyo khilaafka , islamarkaana si guud ugu diyaar garoobaan , sidii ay xilka ugu wareejin lahaayeen , Dowlad la’soo doortay, maadaama Waqtigooda sii dhamaanayo .

2012 , markii la Dhisay Dowlada Dhexe waxay Shacbigu Rajaynayeen in dalka gali doono barwaaqo, midnimo iyo in waxbadan laga qaban doono Arimaha Bulshada, nasiib daro taas ma dhicin , waxay Dowlada Dhexe waqtigeeda ku Lumisay , Mooshin Dagaal la la galo Maamul Goboleedyada , Musuqmaasuq iyo wax aan Dadka dana ugu jirin, taasi waa dhab waana marqaati madoonto.

Sedax sano kadib , 2015 macna masamaynayo in moohshin iyo Khilaaf cusub qoorta la la galo , halka sano ee u dhiman dowlada , waxaan u soo jeedinayaa in ay Qodobadaan Hoos ku Qoran ka Shaqeyso, iyadoo talaaba kasta kala tashanayso Dowlad Goboleedyada Dalka.

in la’joojiyo khilaafka , mooshinka iyo in si wadajir ah loo shaqeeyo.

in la diyaariyo hanaan Saamixi kara in Doorasho sax ah ay Dhacdo 2016 sidii Bbalantu ahayd.

in Baarlamaanka Xukuumada , Madaxtooyada dhamaan hey’adaha dowlada dhexe ay u diyaar garoobaan sidii ay xilka ugu wareejin lahaayeen dad la soo doortay.


in Doweled Goboleedyada hada jira ay la gaarto heshiis ay kula Shaqayn karaan halka sano ee u dhiman.

in la soo saaro Heshiis qaran oo loo dhanyahay oo ay ku midaysan yihiin dhamaan Bulshada Soomaaliyeed , Dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka.Mahadsanidiin


Abdirahman Abdullahi Dhubad

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada