Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya Daa’uud Aweys oo ay suurta gal tahay in uu is casilo (Maxay tahay Sababta?)

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya Daa’uud Aweys oo ay suurta gal tahay in uu is casilo (Maxay tahay Sababta?)

daajis.com:Khilaaf, ayaa xilligan soo kala dhexgalay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Afhayeenkiisa, Daa’uud Aweys Jaamac, xilli uu xilkaasi ku magacaaban yahay wax ka yar hal sano.

Daa’uud Aweys, ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2014-ka, markaa oo uu ka tagey Laanta afka Somaliga ee VOA, oo Xarunteedu tahay Magaalada Washington.

Afhayeenka, ayaa wuxuu ka cabanayaa dhowr arrimood oo xilligan taagan, waxaana laga xusi isagoo ka cabanaaya ragga ku dhow dhow Madaxweynaha, oo si aan wanaagsanayn ula dhaqmay iyo dhaqaalo xumo.

Wararka waxay intaa ku darayan in Arbacadii shalay uu diiday inuu qoro Warbixinta booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagey Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay.

Warar madax bannaan, ayaa sheegaaya in Daa’uud Aweys uu Madaxweynuhu ku eedeeyay, marar badan in uu soo gaarsiiyay waxyaabaha uu ka cabanaayo, laakiin uu dhegaha ka fureystay.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdsho, ayaa soo sheegaaya in ay suurta gal tahay xilkaasi in uu iska casilo Daa’uud, inkastoo ay soconayan dadaalo laga dhex wado isaga iyo Madaxtooyada.

Daa’uud Aweys oo ka mid ah Suxufiyiinta sida weyn dal iyo dibadba looga garanaayo, ayaa ka soo shaqeeyay BBC, VOA iyo qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka Caalamka.

Bishii June, ayay ahayd markii uu is casilay Afhayeenkii Xukuumadda Somaliya, Ridwaan Xaaji C/weli, iyadoona uu dib ugu laabtay Magaalada London, oo uu horey ugu noollaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada