Faa’iidada kala dheereynta caruurta iyo hooyada

Faa’iidada kala dheereynta caruurta iyo hooyada

daajis.com:- Waxaa macquul in midkiin ama qaar  badan oo nasiibka u yeeshay in ay maqaalkaan aqriyaan ay durbadiiba ay la soo boodaan in hadafkeyga uu yahay mid lagu koobayo ama lagu diidan yahay dhalashada.

Ubadka ama ay igu sifeeyaan in aan la heysto dhaqanka reer galbeedka, balse dhamaan inta samaha hooyada iyo tarbiyada dhallaanka jaceyl ayaan u shegayaa in sida ay diinteenaba qabto uu dhallaanka xaq u leeyahay inuu helo labo sano oo ah naaska hooyadiis taa ayaa ah labo faa’iido oo ay helayaan hooyada oo iyada dib u heleyso nafaqadii uu jirkeeda lumiyey intii ay ku guda jirtay xaalada uurka iyo sidoo kale cunuga oo helayo nafaqadii uu xaq u lahaa oo jirkiisa u baahnaa oo ah naaska hooyada oo dhabtii kulmiya dhowr nafaqo oo ubadka uu kaga badbaadayo cudurada dhalaanka haleelo oo ay ugu horeysa nafaqada darada oo iyada sababta u ah cuduro badan oo jirka dhalaanka diciifiya.



Haddaba isweydiin ayaa ah side loo heli karaa hooyo fayow iyo ubad caafimaad qabsan, haddaba si taa loo helo ayaa ah mid looga baahan yahay in qoyska uu qorsheysto in la kala dheereeyo dhalaanka isla markaana waxaa taa lagu heli karaa iyadoo hooyada si toos naaska u siiso ubadkeeda iyadoo aan gelin kala gef sababi kara in ay uureysato ka hor inta uusan ubadkeeda cagahiisa isku taagin taas oo labaduba ubadka iyo hooyada dhibaato ugu filan xataa waxay dhibaato u tahay dhaqaalaha qoyska oo uu ku keeni karo horukac la’aan mar haddii uu bato bushiga reerka.

Haddaba waxaa aaminsanaa in kala dheereynta carruurta ay tahay xalka kaliya ee lagu badbaadi karo hooyada iyo ubadkeeda iyadoo xaalkaan uu yahay mid xataa ay diinteena ogashay oo aan loo arkin mid dhibaato nagu ah ama gaalo raacnimo ah

Xaali X Maxamed (Xaalkoos)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada