CALI GAAB: Qaraxyada Muqdisho ka Dhacaya Shabaab Kaliya Ma’ahan (Dhagayso)

CALI GAAB: Qaraxyada Muqdisho ka Dhacaya Shabaab Kaliya Ma’ahan (Dhagayso)

daajis.com:-Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in madaafiicda lagu weeraro Aqalka Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), aanay ka dambeen Ururka Al Shabaab oo qura.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir General, Cali Xersi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in madaafiicda lagu weeraro Aqalka Madaxtooyada ee (Villa Somalia) aanay ka dambeen Ururka Al Shabaab oo kaliya, ayna jiraan dad kale oo ka qayb qaata madaafiicda ka dhanka ah Madaxtooyada, walow ay masuuliyadda madaafiicdu sheegtaan Ururka Al Shabaab.

Taliyaha oo lahadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin si khaldan xilal uga raadiya Dowladda Dhexe Somaliya, haddii aan la siina ay isu deyaan inay carqaladeeyaan xasiloonidda Caasimadda.

Taliyaha oo si adag u dhaliilay siyaasiyiintaasi, ayaa sheegay inay xilalka ku raadinayaan sifo guracan, isla-markaana uu maankoodu siiyay haddii aanay xilalka ka helin Dowladdu inay qasaan nabadda Magaalada Muqdisho.

Waxuuna shacabka reer Muqdisho uu ugu baaqay inaanay hay’adaha amniga oo keliya ku halayn suggida ammaanka Magaalada, isla-markaana ay soo sheegaan kuwa madaafiicda ka soo dhex tuuraaya Magaalada.

General Cali Gaab, ayaa bulshada ku baraarujiyay in ay cid kasta dan ugu jirto in meel looga soo wada jeesto waxa uu ugu yeeray kuwa carqaladeenaaya nabadgelyada Caasimadda.

DHAGAYSO
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada