Haweenka Mudo intee la eg ayay Sirta xafidi karaan? (Daraasad la sameeyay oo lagu sheegey…

Haweenka Mudo intee la eg ayay Sirta xafidi karaan? (Daraasad la sameeyay oo lagu sheegey…

daajis.com:- Drs Margaret Powell oo ku takhasustay cilmiga bulshada kana hawlgasha jaamacadda Michigan ee Dalka Maraykanka ayaa qortay warbixin dheer oo ay ugu magac dartay ‘Haweenaydu waa wakaaladii warareed ee ugu qadiimsanayd caalamka’ ayaa waxay ku sheegtay in haweenaydu sirta xafidi karto muddo 38 saacadood ah ugu badnaan, iyadoo daraasadda oo laga sameeyey ilaa shan boqol oo haween ah oo u dhashay wadanka Masar da’dooduna u dhexayso 18 ilaa 60 sanadood ay  haweenku ictiraafeen in aanay hayn karin sir ay ogaadeen si kastoo ay sirtaasi u tahay mid shaqsiyadeed ama mid khatari ku lammaan tahay.

Daraasaddu waxay caddaysay in haweenku sirta u gudbiyaan cid aan danaynayn oo aan wax xidhiidh ah la lahayn mowduuca ay sirtu ku saabsan tahay , iyagoo sadex dalooloow labo dalool oo haweenkaasi ka mid ahi ay dareemaan inay dembi galaan ka dib marka ay sirta bixiyaan.

Daraasadani dhanka kale waxay muujisay in  adeegsiga taleefoonada iyo Internet-ku ay sii kordhiyeen bixinta siraha aadamaha, laakiin haweenka ku nool meelaha baadiyaha ah ee wadankaasi masar ay sirta ku bixiyaan badanaa  meelaha beeraha ah

Dhanka kalena  waxaa jira baaqyo iyo fikrado kala duwan oo aan bixinta sirta, iyo xafidaadeeda u kala saaraynin ragga iyo haweenka, tusaale ahaan Haweenayda lagu magacaabo Murawa Ruffaaci oo macalimad ka ah Jaamacadda Xilwaan ee magaalada Qaahira waxay aaminsan tahay in bixinta sirtu ku xidhan tahay tarbiyadii uu qofka bani’aadamka ahi helay xiligii caruurnimadiisa, waxana iyada oo arintaa ka hadlaysa ay tidhi: ‘ Hadii qofku ku dhashay oo ku barbaaray deegaan ay ka jirto kanaa yidhi & waxaa la yidhi, waxa uu noqonayaa oo la qabsanayaa inuu bixiyo sirta uu ogaado” wxana ay macalimadu sheegtay in caruurtu yihiin kuwa ugu xafidaada badan sirtooda weliba sanado badan, laakiin kuwa bixiya sirta ee kashifaa ay yihiin dadka looga baahan tahay xafidaadeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada