Qodob Muhiim Ah Oo Gabadha Soomaaliyeed Ninkeeda Kusii Jeclaanayo Haduu Ka Helo Si Joogto Ah.

Qodob Muhiim Ah Oo Gabadha Soomaaliyeed Ninkeeda Kusii Jeclaanayo Haduu Ka Helo Si Joogto Ah.

daajis.com:- 
Had iyo jeer hadii aan haween nahay waxa aan jecel nahay oo ku riyootaa in uu ninkaagu ahaado mid ku amaana, mid ku tusa in uu kugu qanacsan yahay, in uu raali kaa yahay laakiin ma ogtahay qiimaha ay ugu fadhido marka aad isagana la daawato ciuyaaraha spoortiga, waliba aad la socoto kooxaha uu jeclyahay oo aad xiisaynayso natiijada ka soo baxda in uu kuu arkayo xaas jecl ninkeeda.

Halkaasna aad ka helayso dhinciisa dhibco dheeraad ah sida kooxda badisay u hesho dhibcaha guusha. Hadaba sida ay soomaalidu ugu maahmaahdo “hooba hoo bay leedahay” ayaa waxa aad ka helaysaa jacaylkaaga dareen badan iyo xiiso badan oo uu kusiiyo marka aad adiguna tuso mid la mid ah.

Marka aad samayso arimahaan hoos ku qoran ayaa waxa aad tahay xaas ninkeeda amaata.

Bal hada waxa aad ka jawaabtaa su’aalahan si aad u gaatid in aad tahay mid ninkeeda amaanta iyo inkale:

1- Ma waxa aad xdhataa rajabeetooyin iyo kastuumooyin qurux badan oo aad ku hormarmartaa?

2- Ma waxa aad u karisaa cuntada uu ugu jecel yahay, xataa hadii aanada adiu ka helin?

3- Ma waxa aad la daawataa ciyaaraha adiga oo la jira kooxda uu taageerayo?

4- Ma waxa aad ku dhexamaantaa marka aydin guriga joogin oo aad dad kale la joogtaan?

Hadii aad ku jawaabto “haa” su’aasha 1, 2 iyo 3-aad ayaa waxa aad ogaataa in uu yahay ninkaagu mid aad u soo jiidato. Hadii aad “haa” ku jawaabto su’aasha 4-aadna waxa aad ogaataa in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu adiga ku helay oo aad noqotay xaaskiisa. Jawaabta suaasha 4-aadna waa ay ka fiican tahay 34-da kale, waxa ayna heer sare ah oo aan la qiyaasi karin kor u qaadaysaa isku kalsoonidiisa.


Waxa aad tahay mid aan ninkeeda amaanin
Marka aad amaanayso ninkaaga ayaa waxa uu noqonayaa mid adiga aad kuu jecel. Waliba marka aad amaantidna waxa uu doonayaa in uu noqdo boqorkaaga jacaylka, iyo gacaliyajhaaga. Laakiin marka ay kaa soo yeedhayaan erayada sida “Waa maxay waxa aan soo ilaabay alaabtii, maan soo gadin waxii aan u baahnayn, maan la kulmi qofkii aad ii dirtay?”, “Ma waxaas ayaad gashaynaysaa?” ama “Wali mushahaarkii ma laguu kordhin oo laguma dalacsiin” ayaan ahayn erayo dhalinaya in uu ku xiiseeyo laakiin kaa fogaynaya.

Hadaba marka aad ninkaaga amaanto ayaa waxa uu noqonayaa mid og in uu u qalmo jacaylka aad tusayso ee aad u hayso. Arintaasina waa mid qiimo wayn ugu fadhida ninkaaga. Waliba waxa ah mid aan la qiyaasi karin oo aad iyo aad u qiimo badan marka aad dad ku hor amaanto. Taasina waa ta ugu xooga badan ee uu kugu aaminayo, ku ogaanayo in aad jeceshahay sababtoo ah dadka hortiisa ayaad ku tustay in uu ninkaagu qiimo kuugu fadhiyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada