Daawo:- Qaxooti Siiriyaan ah oo baangad ku weeraray muwaadiniin Jarmal ah magaalada Reutlingen

Daawo:- Qaxooti Siiriyaan ah oo baangad ku weeraray muwaadiniin Jarmal ah magaalada Reutlingen

daajis.com:- Nin ku hubeysan Baangad ayaa weerar ku qaaday dad ku sugnaa magaalada Reutlingen ee dalka Germany, wuxuuna galaaftay nolosha haweeney uur laheyd iyo dhaawaca labo kale oo haweeneyy ay ku jirtay.

Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa soo gudbisay in ninkan uu  si xun ula dhacay Baangad haweeneyda uurka leh taasoo dhimatay.

Ninkaan oo kasoo jeeda dalka Siiriya ayaa wuxuu ka mid ahaa qaxootiga kasoo ka yimid dalka Suuriya ee magangelyada soo doontay.

Boolis oo soo gaaray halka uu weerarkaan ka dhacay ee bosteejada Listplatz square ayaa waxaa u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan ninka weerarka geystay.

Ma cadda sababta ninkaan u weerarka noocaan ah ugu geystay dad wadada marayay, iyo in uu xiriir la lahaa falalka argagixisino.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada