Daawo:- Soomaaliya Isku Diyaarineysa Ciyaaraha Olympic-da ee Rio 2016

Daawo:- Soomaaliya Isku Diyaarineysa Ciyaaraha Olympic-da ee Rio 2016

daajis.com:- Iyadoo dhowaan dalka Brazil gaar ahaan magaalada Rio de janeirio uu ka furmi doono ciyaaraha Olympicda aduunka oo afartii sano mar la qabto isla markaana ay bilaabatay tagitaanka ciyaaryahnadii ka qeybgali lahaa tartaankaas, waxaana Soomaaliya ugu qeybgali doono tartankaas labo ciyaaryahan.

Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daa’uud maxamed, ayaa Soomaaliya ugu qeybgali doona tartanka ciyaaraha Olympicda dalka Brazil ka furmi doona bisha soo socota ee August.

Orodka 400 oo M ah ayay ka qeybgali doontaa Maryan, halka Maxamed oo kamid noqon doona ciyaaryahnada 5,000 M kaas oo ah orodka dheer, waxayna u noqon doontaa markii ugu horeysay oo Maxamed uu ka qeybgalo tartan caalami ah.

Maxamed Daa’uud Maxamed ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo u waramay wargeyska NewVision ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay in Soomaaliya u matalo tartankaas isagoo sita calanka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maryan waxaa ay horey ugu qeybgashay tartano goboleed iyo mid caalami ah, waxaana kamid ahaa tartanada dhalinyarada caalamka ee lagu qabtay dalalka; Kenya, jamhuuriyadda Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia, China iyo wadamo kale.

“Tiro kamid ah wadamada caalamka oo ay kamid yihiin Jamaica iyo Mareykanka ayaa ka qeyb qaadanaya, laakiin waxaa rabaa in aan ka dhex muuqdo inkastoo tababarkooda oo kale helin” ayay tiri Maryan.

Maxamuud Caddow Nuur oo ah macalimka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud ayaa sheegay in ciyartoy badan oo Soomaali ah wadamo kale u ciyaaraan isla markaana guulo u soo hoyeen taas oo keentay burburkii dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Khaliida Aadan Daahir, ayaa sheegtay in ay rajeynayaan in wax badan isbedeli doonaan waqtiyada dhow.

Ciyaaryahnada Soomaaliya u matali doona ciyaaraha Olympicda ee dalka Brazil ayaa waxaa ay tababar ku qaateen garoonka Stadium Banaadir oo dib u habeyn balaaran uu ku sameeyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo kaashanaya kan aduunka ee FIFA.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada