Daawo:- Ururka Daacish oo soo Bandhigay Sawirrada Ragii Baadariga ku Dilay dalka Faransiiska

Daawo:- Ururka Daacish oo soo Bandhigay Sawirrada Ragii Baadariga ku Dilay dalka Faransiiska

daajis.com:- Daacish ayaa soo bandhigay ragii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday kaniisad ku taal magaalada Saint-Etienne-du-Rouvray ee dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku gowraceen nin baadari oo 85 sano jir ahaa.

Abdel Malik iyo Adel Kermiche ayaa si wadajir ah u weeraray kaniisadan xilli ay ku sugnaayeen shan ruux waxayna halkaa ku dileen baadari la oran jirey Jacques Hammel halka ay ku dhaawaceen qof kale.


Ciidamada Booliska dalka Faransiiska oo goobta weerarku ka dhacay gaaray ayaa toogasho ku diley labadii nin dhalinyarada ahaa ee weerarka geysatay.

Warbaahinta taageerta IS ee Amaq ayaa soo bandhigtey muuqaal video ah kaasoo laga arkayo Malik iyo Kermiche oo ku dhowaaqaya inay taageersan yihiin IS ayna xubno ka yihiin.

Labadan dhalinyaro ayaa la baxay magacyada kala ah Abu Omar iyo Abu Jalil al-Hanfai ayaa gacmaha iska haystay marka ay ku dhowaaqayeen inay daacad u yihiin hogaamiyaha IS Baghdadi.

Abdel Malik P ayaa la sheegay in uu ahaa wiil ku dhashay dalka Faransiiska waxana uu ku noolaa magaalada Aix-les-Bains ee Alps.

Waxa uu ku dhashay Malik magaalada Saint-Die-des-Vosges ee Waqoyi Bari Faransiiska. Booliska maxkamadaha la shaqeeya ee Lyon ayaa bilaabay inay baaritaan ku sameeyeen taariiq nololeedkii Malik.
Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayuu Malik ka qalin jebiyay Malioz High School isagoo weliba keenay darajada ugu sareeysa waxana uu caan ku ahaa inuu ahaa nin wanaagsan oo furfuran.

19-jirkan ayaa la ilaalinayay kadib markii la qabtay labo jeer oo uu doonayay inuu u baxsado dalka Siiriya si uu ugu biiro ururka Daacish, waxaana ku xirnaa qalab lagu ogaanayo goobta uu ku suganyahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada