Nin ku fashilmay in uu dilo Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo Xuriyadiisa dib u helaya

Nin ku fashilmay in uu dilo Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo Xuriyadiisa dib u helaya

daajis.com:- John Hinckley Jr , oo isku dayay in uu dilo Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Ronald Reagan, ayaa la amray in laga sii daayo Isbitaal dhinaca dhimirka ah oo lagu hayay , kadib sanado badan ah uu halkaasi ku jiray.

Ninkan ayaa weerar ku qaaday Madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan, isbuuc kadib markii la doortay sanadku markii uu ahaa 1981-kii xili uu kasoo baxay hotel ku yaal magaalada Washington ee caasimada dalkaasi.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay Ronald Reagan, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay sadex qof oo kale uu ku jiray xoghayihiisii warbaahinta James Brady, oo dhaawicii soo gaaray ay naafo ka dhigtay noloshiisa.

John Hinckley Jr , oo weerarkan ka dambeeyay ayaan lagu helin wax dambi ah, waxaana la sheegay in ninkan uu maskax ahaan caadi aheyn dhimirkana looga jiray, waxaana ninkan lagu hayay isbitaal dhinaca dhimirka ah oo lagu daweenayay sanado badan.

Xaakim Mareykanka ah ayaa soo saaray amar ah in ninkan weerarka geestay isbitaalkii lagu hayay lagasii daayo marka la gaaro 5-ta bisha soo socota ee Agousto, waxaana Xaakimka sheegay in ninkan uusan halis ku aheyn noloshiisa iyo dadka kale intaba.

Ninka hada xuriyadiisa dib u helaya ayaa lagu amray in uusan Saxaafada la hadli karin, waxa uuna dib ula midoobi doonaa hooyadiis , waxaana soo deesmada ninkan soo dhaweeyay kuna farxay Hooyadiis iyo xubno kale oo kamid ah eheladiisa.

John Hinckley Jr , ayaa la sheegay in sababta uu u weeraray Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka ay aheed maseer uu ka qaaday Madaxweynaha oo soo jiitay Haweeney jilaaa ah loo lagu magacaabi jiray Jodie Foster, uu jeclaa Mr Hinckley.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada