Obama walaalkiis oo sheegay inuu u codeyn doono Donald Trump

Obama walaalkiis oo sheegay inuu u codeyn doono Donald Trump

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Mareeykanka Brack OBAMA walaalkiis Malik Obama, ayaa sheegay inuu taageero u yahay una codeyn doono doorashada soo socoto ninka muujiyay naceybka uu u qabo islaamka iyo soo galootiga Donald Trump.

Malik Obama, ayaa horay meel fagaaro ah uga sheegay inuu taageero u yahay musharaxa xisbiga dimoqraadiga Hillary Clinton, balse markii dambe go’aankiisa wuu badalay, wuxuuna ku dhawaaqay inuu taageero u yahay Donald Trump, maadaama uu yahay nin aan qarsan waxa niyadiisa kujira.

Sidoo kale waxa uu sheegay Malik in uu taageerada xisbiga Dimoqraadiga kala laabtay, maadaama ay taageereen ineey is guursan karaan dadka isku jinsiga ah.


Malik Obama oo 58 jir ah, ayaa sidoo kale sheegay in Hillary uu ku mucaaraday Fadeexadii Email-ada iyo ineey masuul ka ahayd geerida saaxiibkiis hogaamiyihii hore ee Kenya Colonel Gaddafi.
Madaxweyne Obama iyo walaalkiis Malik ayaa waayadii hore ahaa saaxiibo walaalo isjecel, balse xiriirkooda waxa uu xumaaday markii uu Malik taageero u muujiyay kooxaha Jihaad doonka sida ururka Xamaas ee ka dagaalama Falastiin.
Wareysi uu siiyay wargeyska New York Post asigoo ku sugan Gurigiisa Kenya, ayaa Malik Obama waxa uu sheegay inuu codkiisa siin doono Donald Trump, maxaa yeelay waxa uu sheegay inuu u hadlo si niyad ah.

“Waxaa halku dhig u ah inuu Mareeykanka markale ka dhigi doono mid xoogan, waana jeclaan lahaa inaan la kulmo isaga” ayuu yiri Malik Obama.

Malik, ayaa walaalkiis Brack iyo Hillary ku eedeeyay geerida saaxiibkiis hore Colonel Gaddafi, kaasoo ahaa saaxiibkiis qaaska ah.

Donald Trump, ayaa Twitterkiisa uga hadlay taageerada uu u muujiyay Malik Obama.

Xiriirka Madaxweyne Obama iyo walaalkiis Malik Obama, ayaa mudo sanado ahba xumaa, mana jirin wax xiriir ah oo dhex maray. waxaana markii ugu horeysay ay kulmaan ay ahayd 30 sano kahor, waxeey ahaayeen saaxiib isku raaca xafladaha aroosyada.

Malik waxa uu sheegay in dhowr lagu marti qaaday xaflado ka dhacayay aqalka cad ee Mareeykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada