Xiriirka K/Cagta oo baaraya jiritaanka in Ciyaartoy ka mid ah Puntland uu horay ugu soo saftay Xulka Qaranka

Xiriirka K/Cagta oo baaraya jiritaanka in Ciyaartoy ka mid ah Puntland uu horay ugu soo saftay Xulka Qaranka

daajis.com:-  Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa baaraya warar soo baxayay saacadihii la soo dhaafay, kaasoo sheegaya in mid ka mid ah ciyaaryahanadii u saftay Xulka K/cagta Puntland inuu horay ugu soo ciyaaray Xulka Qaranka Soomaaliya.

Guddiga Kubadda cagta ee Hiiraan/Shabeellaha Dhexe ayaa dacwad u gudbiyay Xiriirka Kubadda Cagta iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, kaasoo ku saabsan in ciyaaryahan C/salaam Dhiidhiye oo qadka dhexe uga ciyaaryayay Kooxda Puntland uu horay ugu saftay Xulka Qaranka Soomaaliya.

Ciyaaryahan C/salaam Dhiidhiye oo Nambarka 5aad u sitay Kooxda Ciyaartoyda Puntland ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Maamul goboleedyada, iyadoo qaab ciyaareedkiisa uu soo jiitay dadkii u daawasho tagay ciyaaraha ka socday garoonka Koonis Stadium.

Inkastoo ciyaartii Sema Finalka ee shalay dhacday ay guusha raacday ciyaartoyda Puntland ka socotay, sidaasna Final ugu gudbeen, ayaa waxaa soo baxaya in ciyaartii Finalka ee berri oo isniin la ciyaari lahaa dib loo dhigo arrimo ku saabsan baaritaanka socda.

Sida uu goor dhow shaaciyay Idaacada ka faaloota ciyaaraha ee GoolFM, ciyaaryahan C/salaam Dhiidhiye oo Kabtan u ahaa Kooxda ciyaartoyda Puntland ayaa horay uga soo muuqday Ciyaartoydii Xulka Qaranka Soomaaliya uga qeyb galay Tartankii Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Uganda sanadkii 2012.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Isboortiga oo Tartankan soo agaasintay, waxaana horay u yaalay sharci ah in tartanka Gobolada aanay ciyaari karin ciyaartoyda Seria A-da iyo kuwa u soo saftay Xulka Qaranka Soomaaliya.

C/salaan Dhiidhiye ayaa ka muuqda sawirada Xulka Qaranka Soomaaliya sanadkii 2012 iyo kan Ciyaartoyda Kooxda Puntland ka socota ee sanadkan 2016.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada