MUUQAAL: John Kerry oo si Qotodheer Uga hadlay Xaalada dalka Somaliya Iyo Weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

MUUQAAL: John Kerry oo si Qotodheer Uga hadlay Xaalada dalka Somaliya Iyo Weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

daajis.com:- Xoghaya Arimaha debada ee Maraykanka Kerry ayaa kulankiisi u horeeyey la qaatey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Mr Kenyatta ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya iyo ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya marka la gaaro 2018.

Kenyatta ayaa u sheegay Kerry in Soomaaliya ka soo kabaneyso nabadgelyo xumadii hore, isla markaana xaaladda ay wax ka beddeleen ciidamda AMISOM, loona baahan yahay in Soomaalidu la wareegto amnigooda marka la gaaro 2018.

Xogayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa kulan gaar ah la qaatey Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Suudaanta koonfureed, waxaana uu kala hadley Xaaladda dalalka Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.


Kerry ayaa sheegay in ay isha ku hayaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda, oo ay doonayaan in ay arkaan in doorashooyinku ku dhacaan jawi wanaagsan, lana hirgeliyo iyo asteynta baahida shacabka Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada