Daawo:- 5 Qofood oo Dunida Xaalado aad Rumeysan Karin ku jira.

Daawo:- 5 Qofood oo Dunida Xaalado aad Rumeysan Karin ku jira.

daajis.com:- Iyadoo in ka badan 7 bilyan oo qof  ay adduunka ku nool yihiin, Tirada intaasi la eg, lama ogaan karo run ahaantii waxyaabaha lagala kulmayo, Waayo Waxaa jira dad aad u weyn, Qof aad uga dheer Dadka Caadiga ah, Qofka ugu gaaban, Qof Cidiyo Dheer, Qof Timo Dheer iyo kuwa kale oo wata sifo aad si weyn ula yaabeyso.

Sidaasi Darteed Dulqaadka.com waxay Halkaan ku soo aruuriyeen Macluumaad Bulshada iney ka faa’ideysato, kuna Madadaasho oo Qosol iyo Farxad ay ka hesho.
1-Qofka Dunida ugu Gaaban.


Chandra Bahadur Dangi, Waa 75- sano jir oo u dhashay dalka Nepal, Dhererkiisa waa  1 foot, 7 inches(Hal foot (Cag) iyo 7 inji).
 2-Ninka Heysta Horyaalka Maqaarka iska Mudista
Rolf Buchholz, Wuxuu u dhashay dalka Jarmalka, waa 55 sano jir Caan ah, Wuxuu noqdey ninka heysta Horyaalka Maqaar iska mudista ee Dunida.
Ninkani Maqaarkiisa ayaa lagu mud mudaa xarko afka ku leh Gaanjo, kuwaasi oo kor loogu qaado, iyadoo maqaarkiisa uusan jeexmeyn, sida aad ku arki kartaan Muuqaalka Sawirka.
3-Nin Maqaar Buluug

Paul Karason, waa nin Midka Maqaarka Jirkiisa uu yahay midabka Buluuga, Wuxuuna Xaaladaasi galay 18 sano ka hor, markii uu isticmaal waxlo ay ku jiraan colloidal silver oo lagu daweeyo maqaarka jirka.
FDA ayaa horey u mamnuucey in maadadaasi la isticmaalo, Maadaama ay sababto Xasaasiyad, waxayna arrintani timaadaa marka ay la fal gasho ileyska Qoraxda marka ay qofka jirkiisa qabato, waxayna midibkiisii u bedeshay Buluug mugdi ah.
4-Naagta ugu Naasaha Weyn
Mayra Hills, Waxaa loo aqoonsan yahay in ay tahay Haweeneyda ugu Naasaha Weyn caalamka, sida Sawirka aad ku aragto.
Naagtan oo Jilaa ah, waxaa cabirka naasaheeda la sheegay in uu dhan yahay   32Z, waxaana la soo weriyey in wax dhibaato iyo dhabar xanuun ah aysan ku heyn.
5- Ninka ugu Jir timaha Badan (Dufle)
Yu Zhenhuan oo u dhashay dalka Shiinaha, waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ninka ugu Duf (Timo) badan Caalamka. Sida Sawirka aad ku arki doonto.
Ninkani, 96% Jirkiisa waxaa ku yaala ama ku wareegsan Timo Madoow, waxaana la sheegay in uusan weligiis ka wel welin in uu iska jaro.

HADABA AKHRISTE, SIDEE U ARAGTAA ARRINTAN.
KU QOR MEESHA HOOSE ARAGTIDAADA, SIINA SHARE GAREE.
MAHADSANID.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada