VIDEO:- Ibrahimovic oo nin loo maleeyo mataankiisa ku arkay Old Trafford kana qosliyay

VIDEO:- Ibrahimovic oo nin loo maleeyo mataankiisa ku arkay Old Trafford kana qosliyay

daajis.com:- Intii ay socotay ciyaartii shalay u dhaxeysay Manchester United iyo Leicester, gaar ahaan haafkii hore, ayaa waxaa garoonka soo galay nin si aad ah ugu muuqaal eg weeraryahanka kooxda Man, Zlatan Ibrahimovic, kaasoo salaamay islamarkaasna ka qosliyay wiilka dheer ee reer Sweden.

Ninkan sida aadka ah ay isugu eg-yihiin Zlatan, ayaa kaftan la wadaagay ka hor inta aysan qolyaha amaanka ka saarin garoonka.

Zlatan ayaa taageerahan u muujiyay dabacsanaan islamarkaasna la wadaagay kaftan, waxaana la arkayay asigoo si aad ah u qoslaya wejigana gacanta ka saaraya.

Ibrahimovic saaxiibkiisa Wayne Rooney oo tababare Jose Mourinho kursiga keydka ku hayay ayaa la arkayay isagoo qosol la jabsanaya, gacantana ku soo taagaya ninka aan laga aqoon Ibrahimovic
Ninkan ayaa soo xirtay funaanad iyo surwaal tirikooto madoow ah, sidoo kale waxa uu wajiga soo gashtay Maaskaraato shabaha wajiga Zlatan, sidoo kale timaha sidiisa oo kale ayuu usoo xirtay iyo shaarbaha.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada