Nin Maseyr kulul oo shukaansi iyo guur aan u ogoleyn xaas ay kala tageen

Nin Maseyr kulul oo shukaansi iyo guur aan u ogoleyn xaas ay kala tageen

daajis.com:- Adduunyada waxa aan ugu necbahay naag aan furay ninkii wax iga weydiiya halkeey ku danbeeysay.. waxaase weliba iigu si daran… kuyeh… kii i sii weydiiya meel laga heli karo sida teleefoonkeeda ama haddii ay leedahay cinwaan lagala xariiro.. sidaas waxaa igu yiri nin lagu magacaabo Jaamac dheere oo ii sheegay inuu la dhiban yahay maseyr daran.

Jaamac dheere, waxa uu igu yiri, dadka waxaan u jeclahay qofkii, xaaska aan kala tagnay ii soo sheega jabkeeda sida waa macluushay,,, waaa kuu darsatay.. waa qayirantay.. gadaashaa waa waalatay ayaan ka sii jeclahay !

Jaamac oo warkiisa sii wata, waxa kale uu yiri, waxa aan naxaa marka aan maqlo caawa ayey aqal-galeysaa iyo nin hebel oo aan garanayo ayey is shukaansadaan.

Waa iga yaabiyey ninkaas … waxaana u aqoonsaday inuu yahay xaasid weyn…. waloow aysan aheyn wax sahlan beer ama aseendo aad lahaan jirtay oo lala wareegay !

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada