Sheeko: Saqiiro dile yaa naag gaaday oo aan isaga aheyn !

Sheeko: Saqiiro dile yaa naag gaaday oo aan isaga aheyn !

daajis.com:- Nin aan isku Xaafad nahay oo nala degan degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu la baxay Magaca Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc, adduunka waxa uu ugu jecel yahay, naag garoob ah oo ninkii ay kala tageen ugu yaraan u haysa dhowr cunug, wuxuuna sii jecel yahay in ninkaas ugu yaraan uu joogo dalka Mareykanka ama mid ka mid ah dalalka Yurub, si looga helo biil aan baryo aheyn.

Waxaa uu ku dheereeyaa hannaanka loo kasbado naagaha, waxaa uu ka billaabaa inuu iska dhigo, nin ilmo jecel, naagahana u ogol xornimo.

Aniga waxaan jeclahay ilmaha, waxaana la yaabaa ragga maseyrka badan, ee aan xaasaskooda ku kalsooneyn, kuwaasi oo kale ayaa rag ceebeeyey, waa hadallada uu ku soo cid galo, naagahana qalbigoodana uu ku xado.

Waxa uuna bilowga sheekada uu ku furaa hadalladaan,” Abaayo, Masha’Allah, cunugaaga Yariisow , caqliloow waaye, kan oo kale waan aqaanaa waa nooca noqda Madaxweyne ama ugu yaraan Wasiir ama Xildhibaan, Abaayo keen aan surwaal u geliyee”.

Mararka qaarkood inta uu wejiga ka dhaqo ayuu bood bootiyaa oo geeraaro u tiriyaa.

Cali Sokoroow, Subag badanoow, Sixin sidiisii soo carfaayoow, salkood la kacdiyo, saantood qaadiyo, socod baan kaa sugeynaa.

Tixdaan waxaa uu ku qaadaa siiqada digriga oo kale.
Maalmo yar kadib waxa aan arkaa kiiyoo naagtii Khudbo sirro ku qaba,, waan naxaa,, Wallaahi iyo Billaahi waa nooca ilmaha marka looga tago oo ay ku ooyaan xusul iyo jug hoose u qariya, isaga oo qalbiga ka leh naga aamus Aabaha iyo Hooyadaaba waa ku naceen,, annaga hana waalin,bahal yahoow cidlada gabaahiirta ah looga tagay, wax ayaan darran baad tahaye, qumayahoow oohinta badan.

Waxaan niyadda iska iri ” Saqiiro dile yaa naag gaaday oo aan isaga aheyn ! labiska la watana ma maleyn kartid”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada