War Deg Deg:- Dagaal markale dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo

War Deg Deg:- Dagaal markale dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo

daajis.com:- Dagaal culus ayaa daqiiqado kahor dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, kaasoo u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ku bilowday kadib markii xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug ay sii korortay, taasina ay sababtay in labada dhinac maanta barqadii in Magaalada dib uu kaga qarxay dagaal.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka Deegaanka.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya rasaas culus oo laga maqlaayo Xaafadaha ka agdhaw goobaha dagaalada ay ka socdaan, inkastoo dadkii deganaa halkaasi ay isaga barakaceen.
Lama ogaan karo inta uu la eeg yahay Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada