Marqaan iyo waqti ku luminta baraha bulshada

Marqaan iyo waqti ku luminta baraha bulshada

daajis.com:- Naftiisu ma helin haba yaratee wax nasiinna ah.. waa xilli uu qayilayo.. xilli uu shaqeynayo iyo waliba xili uu qaadireysan yahay.. isagoo intaas oo daal ah la daalaa dhacaya ayuu haddana ku darsaday ku dhex jirka baraha bulshada oo uu ugu horeeyo Facebook.

Dhowr jeer ayuu go’aan ka qaatay cunista qaadka iyo la caweynta hablaha, waase ku guul darreystay.. waxaa uu naftiisa haraamo, oo marna hiifo.. waxaa uu is weydiiyey mirqaan iyo waxaa uu yahay kadib markii uu gudan waayey shaqo maalmeedkiisii.. wax badan ayaa lagu ganaaxay ka soo daahis shaqo iyo inuu gudan waayo waajibaadkii ka saarnaa Qoyskiisa illaa markii dambe uu gabo noloshiisii waa kan isaga iyo mirqaan oo wada hadlaya..

Mirqaanoow kumaad tahay?
ma cir soo madoow iyo mayaay cirbaad tahay?
Ma man ubaxa bixiyiyo, Xareed maaxeeysaad tahay?
Ma maandeeq horweenoo, jiilaal la magan sadaad tahay?
Ma manhaj waxbarashiyo, Dugsi muqadas ah baad tahay?
Maxkaxdaan ka daalee, waan kugu murgoodee.
Isu keey macneeyoo, muunaddaada ii sheeg..
Midabkeeygu waa doog, maariin lagu il waadsadiyo
Midab Xamariya baan ahay, malab da’aayiyo, subag miid ah baan ahay
Dambar la maashiyo, naftu waxeey muhataan ahay, saqay marxabeeysiiyaan ahay, bad maceeyaan ahay,
Jeegaan midabyo badanoo macno weyn xambaarsanoo, Dadku milicsadaaan ahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada