daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar kale sii micno darro ah loo daadiyo dhiiga shacabka magaalada Gaalkacyo, halkaas oo laba kooxood oo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dib u heshiisiin iyo adkeynta dowladnimadeeda, gaar ahaan doorashooyinka dhowaan dhacaya, loona baahan yahay in laga fogaado wixii hannaankaasi carqaladeynaya.
Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug inay degdeg gacan uga geystaan joojinta colaadda jirta, isagoo mar kalena xusuusiyay shacabka Soomaaliyeed inuu dhammaaday waqtigii isla xisaabtan la’aanta, lalana xisaabtami doono cid kasta oo carqaladeyneysa amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:48 and have
, Published at