daajis.com:- Waxa ay faah faahino dheeraad ahi ka soo baxayaan Dagaalka maanta ka qarxay dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca xadka ee labada maamul wadaagaan, waxaana dagaalka uu ka dhashay muran la xariira dhul ay labada dhinac ku maran san yihiin lahaanshiyihiisa.
Dagaalkan oo ah mid weli socda ayaa Inta la ogyahay waxaa ku dhintay 6-qof oo isugu jira shacab iyo ciidamadii dagaalamay, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay in ka badan 10-qof oo kale kuwaa oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalo kuyaala Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Wararkii ugu dambeeyay oo laga heleyno halka ay ku dagaalmayaana labada ciidan ayaa sheegaya in dagaalka uu xoogaa qaboobay, waxaana wali jirta xiisada dagaal iyadoona laga cabsi qabo in daggalkan uu mar walba dib u qarxi karo.
Maamulka Puntlnad ayaa sheegay in ciidamo katirsan maamulka Galmudug ay weerar kusoo qaadeen ciidankooda, waxa ayna eeda ka saareen masuuliyada dagaalka ka dhacay Gaalkacyo iyo qasaaraha ka dhashay dhinaca maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Xirsi Yusuf Bare ayaa dhankiisa dagaalka ku eedeeyay dhinaca maamulka Puntiland, waxa uuna sheegay in ciidamo badan ay soo dhoobeen xadkooda.
Waxa uuna mas’uulku sheegay in dagaalka uu salka ku hayo lahaansho dhul labada maamul isku haysataan ayna Puntland dooneyso in si xoog ah ku dhisato Maxjar lagu xanaaneenayo Xoolaha laga dhoofinayo Gaalkacyo.
Iyadoo maamulka Puntland uu dhankiisa ku eedeeyay Galmudug in iyaga dagaalka ay soo qaadeen oo xabadda ay bilaabeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:00 and have
, Published at