Dhalinyaro Socdaal Nabadeed Ka Wada Baladweyne

Dhalinyaro Socdaal Nabadeed Ka Wada Baladweyne

daajis.com:- Magaalada Baladweyne, waxa ku sugan dhalinyaro sheegey inay si iskood ah isu xilqaameen, kuwaas oo halkaasi ka wada socdaal ay ugu magac darreen “Socdaalka nabadda iyo isdhexgalka bulshada.”

Waxay magaalada kula kulmeen dhalinyaro kale, iyagoo howlo nadaafadeed ka fuliyay gudaha magaaladaasi. Waxay sheegeen in ujeedkoodu uu yahay sidii dhalin yarada looga wacyi galin lahaa dhibaatooyin ay ka midka yihiin tahriibka, iyo qabyaaladda.
Horrey waxay usoo mareen magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa khadka telefoonka ee Baladweyne kula xiriirey Maxamed Ibraahim Beyle, oo ka mid ah dhalinyaradaasi, waxana uu weydiiyay socdaalkooda waxa uu ku saabsan yahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada