Ban Ki-moon oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Yuusuf GARAAD

Ban Ki-moon oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjire Yuusuf GARAAD

daajis.com:- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Yuusuf Garaad Cumar oo noqon doona Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey xaruntiisa magaalada New York.

Madaxii hore ee laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad ayaa ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo bilo ka hor ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay inuu noqdo Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey.

Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxuuna uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba. Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada