Ciidamada Garoonka Aadan Cadde oo gacanta ku dhigay Boorso ay ka buuxday lacag farabadan

Ciidamada Garoonka Aadan Cadde oo gacanta ku dhigay Boorso ay ka buuxday lacag farabadan

daajis.com:- Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Somalia ayaa gacanta ku dhigay Lacago Farabadan oo ay laheyd Xawaalada Amal.

Lacagtaani ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ka howlgala afafka hore ee Garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada gacanta ku dhigay lacagta ayaa baara boorsooyinka musaafiriinta waxa ayna inta uu baaritaanka socday ay heleen Boorso lacag ah waxa ayna sidaa ku xireen ninkii waday lacagta.

Lacagta ay ciidamada qabteen ayaa cadadkeeda lagu sheegay 1,500,000 oo dollar.

Maamulka shirkada ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku wadeen sifo sharci ah, isla markaana ay kusii jeeday magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Maamulka waxa uu sheegay in lacagtaasi ay waxbadan ka ogaayen Hay’adaha Amaanka si aan loogu qaldamin.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amaanka Dowlada si lacagtaasi meel loogu hubsado.

Caasimada Online

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada