Dhegayso: Waxgaradka P.land oo kasoo Hor jeestay Wada-hadalkii Dhex maray Cabdiwali GAAS iyo C.kariim Guuleed

Dhegayso: Waxgaradka P.land oo kasoo Hor jeestay Wada-hadalkii Dhex maray Cabdiwali GAAS iyo C.kariim Guuleed

daajis.com:- Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa kahadlay kulankii magaalada Boosaaso ku dhexmaray madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Wadahadalka ay Khadka Teefanka ku yeesheen Madaxwayneyaasha Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Cabdullaahi Maxamed Jibriil ayaa sheegay in arrinta Galkacyo ay ka weyntahay Puntland iyo Galmudug uuna ku lugleeyahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheek Maxamuud sida uu hadalka u dhigay “Waxaan aamin sanahay inta aan la helin Cid badasha Xasan sheekh, inaan Arinta Gaalkacyo Xal loo Heli doonin”

Heshiiska Xiligan Lagu gaadhay dhinaca Taleefanka ayuu sheegay inuu u Muuqdo mid aan Midho-dhali doonin, “Heshiiska maanta Istaaga lagu gaadhay ama Taleefanka, Midkii Fadhiga lagu gaadhay iyadoo Gaalkacyo Lagu sugan yahay hadii uu socon waayey, Ma aamin sani inuu socon doono mid istaag ah”.


Nabdoon C.laahi ayaa Wuxuu sheegay in Kulanka Boosaaso ka dhacay Faa’iidada Keliya ee uu leeyahay ay tahay inay Beesha Caalamku ogaato in Puntland Nabad raadinayso, Isagoo sheegay in  Nabad gelyada Gaalkayco ay ka fadhin wayday Weerarka Galmudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada