Dhegayso: Xaalada magaalada Jowhar oo isbadashey iyo Warbixin ku saabsan

Dhegayso: Xaalada magaalada Jowhar oo isbadashey iyo Warbixin ku saabsan

daajis.com:- Iyadoo dhowaan magaalada Jowhar lagu doortay Madaxda maamulka Hirshabeele ayaa waxaa magaalada ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan, iyadoo magaalada laga dareemayo is bedel aan horay loo arag.

Musharaxiin xilal doon ah, siyaasiyiin iyo dad kale oo dano kale leh ayaa ku qul qulaya magaalada Jowhar, waxaana muuqaalka magaalada noqday mid ka duwan sidii looga bartay, waxaana dadka ay dib u soo xusuusisay xilligii magaalada Jowhar xarun u aheyd dowladdii uu hoggaaminayay Marxuum C/llaahi Yuusuf sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale waxaa magaalad laga dareemaya is bedel ganacsi oo xowli ku socda, iyadoo hotelada ku yaala magaalada ay noqdeen kuwo aad u buux dhaafiyay, waxaana sare u kacay qiimaha lagu jiifan jiray halkii habeen hotelkii.


Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada Aqalka hoose iyo Aqalka sare, waxaana lagu wadaa in Maamulka Hirshabeelle uu shaaciyo liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka sare

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada