Maraykanka oo Sheegay in Weerarkii Gaalkacyo ay si Qaldan ugu Dileen Maleeshiyaad Galmudug Katirsan (Dhagayso)

Maraykanka oo Sheegay in Weerarkii Gaalkacyo ay si Qaldan ugu Dileen Maleeshiyaad Galmudug Katirsan (Dhagayso)

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay weerarkii ay ka gaysteen duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug 28-kii bishii September ee sanadkan, uusan ahayn mid Al-Shabaab lagu beegsaday, balse weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyo Deegaanka ah oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay weerarkaasi in uu ahaa mid lagu laayay Maleeshiyo Deegaanka ah oo aan lagu beegsan ururka Al-Shabaab.

Waxa ay sheegeen Taliska Mareykanka inay baaritaan dheer kadib ay ogaadeen in weerarkaasi uu u dhacay si qaldan walina ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhasay duqayntaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo la hadlay laanta afka- Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan warka ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee ku aadan weerarkii Gaalkacyo in aan lagu beegsan Shabaab, balse lagu beegsaday Maleeshiyo Deegaanka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilawga bishii Oktoobar Dalka Mareykanka ka codsatay in ay baaritaano dhab ah ku sameeyaan duqayntii Gaalkacyo ee lagu laayay Ciidamo ka tirsan Galmudug.

DHAGAYSO



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada