Maxkamadda sare ee Masar oo laashay Xukunkii dilka Maxamed Morsi (Daawo)

Maxkamadda sare ee Masar oo laashay Xukunkii dilka Maxamed Morsi (Daawo)

daajis.com:- Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta go’aamisay in la joojiyay xukunkii dilka ahaa ee sanadkii la soo dhaafay lagu ridday Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi,  iyadoo gebi ahaanba baabi’isay xukunkii sanadkii hore ay ridday Maxkamad ku taal Qaahira.


Maxamed Morsi ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xabsi laga baxsaday sanadkii 2011, xilligii uu socday kacdoonka looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Xusni Mubaarak, Wuxuuna  Mr Morsi ka mid ahaa Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka, waxuuna  ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee si dimoqraadi loo soo doorto.

Sanadkii 2013 ayaa Milateriga Masar ay xukunka ka tuureen, kaddib dibad baxyo looga soo horjeeday dowladdiisa, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay mudadaas xabsi ayuu ku jiray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada