MUUQAAL: Faysal Waraabe oo Caayey Xasan Sheekh, Puntland, Jubaland iyo Beesha HAWIYE ( Waraysi la yaab leh)

MUUQAAL: Faysal Waraabe oo Caayey Xasan Sheekh, Puntland, Jubaland iyo Beesha HAWIYE ( Waraysi la yaab leh)

daajis.com:- Faysal Cali Waraabe oo Waraysi siiyey Wariye ku sugan Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, Maamulada Puntland iyo Jubaland iyo Sidoo kale beesha uu Madaxwayne Xasan ka dhashay.

Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay in markale dib loosoo doortaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya dhibaato kale wajahi doonto haddii dib loo doortaa Xasan, Wuxuuna ku eedeeyay inuu iibsaday dalka Soomaaliya, haddii markale lasoo doortana ay tahay baaba’a dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Soo maaha ninkii dhulka oo dhan iibsaday? Maalintuu meesha qabsaday shilin muu haysanin, maantana dhulkii oo dhan buu iibiyay. Haddii uu idinku soo noqdana waa baaba’iina.” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.


“Jubbaland yaa bixiyay, sow Xasan Sheikh, Yaa Banaadir xaqii ay laheyd duudsiiyay, Yaa Boosaaso iyo Garowe siiyay xaq aysan laheyn, waa isaga, intaasi iyo ka badan ayuu keenayaa haddii dib aad u doorataan”  ayuu yiri Faysal.

Ugu danbayntii wuxuu Beesha Hawiye ku eedeeyay inay yihiin dad diiday Inay wax hogaamiyaan, Lana Hogaamiyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada