Nin Katirsan Sirdoonka Jarmalka oo Lagu Helay Isagoo Abaabulaya Weeraro Argagixiso (VIDEO)

Nin Katirsan Sirdoonka Jarmalka oo Lagu Helay Isagoo Abaabulaya Weeraro Argagixiso (VIDEO)

daajis.com:- Nin ka tirsan shaqaalaha hay’adda sirdoonka ee dalka Jermalka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan BfV ayaa la xiray ka dib markii lagu helay inuu faafiyay macluumaad ay hay’addu leedahay isla markaasina uu sheegay hadallo muujinaya xagjirnimo islaamnimo ah sida ay ku warantay warbaahinta dalka Jarmalka.

Afhayeen u hadlay hay’adda sirdoonka ayaan xaqiijinin warka uu daabacay wargayska Die Welt ee sheegaya in ninkaasi uu qorshanayay in uu qarxiyo xarunta ugu wayn ee sirdoonka BfV ay ku leeyihiin magaalada Cologne sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.


Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ilaa iyo hadda aysan haynin halis dhab ah oo la taaban karo ee uu ninkani gaystay, waxaana la sheegay in ninkani uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Spain ee uuna dhawaan muslimay .

Hay’adda sirdoonka ee BfV ayaa waxay sheegtay in ninkani uu hadda haysto dhalasho Jermal ah uuna hadda ka hor u dhaqmayay si aan la dareemi karin.

Ninkan waxaa lagu eedeeyay in uu hadallo xagjirnimo ah ku daabacay internetka isaga oo magac been ah isticmaalaya soona bandhigaya macluumad ay sirdoonku leeyihiin oo uu ka helay meelo ay ku sheekaystaan sirdoonku, sidaasina waxaa sheegay afhayeenkii u hadlay hay’adda sirdoonka.

Wargayska Die Welt ayaa sheegay in ninkaasi uu soo qabtay nin kale oo sirdoonka u shaqeeya oo ay Online-ka ay ku wada sheekaysteen kaas oo uu la wadaagay in ay macquul tahay in weeraro uu ka rido gudaha dalka Jarmalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada