Shil diyaaradeed oo ciyaartooy badan ku dhimatay oo ka dhacay dalka Colombia (Sawiro)

Shil diyaaradeed oo ciyaartooy badan ku dhimatay oo ka dhacay dalka Colombia (Sawiro)

daajis.com:- Diyaarad siday 81 ruux oo ay ku jiraan koox ka dhisan dalka Brazil ayaa ku burburtay magaalada Medellin ee dalka Colombia, halkaasi oo ay ku wajahnaayeen.


Booliska dalka Colombia ayaa sheegay in shan ruux ay ka badbaadeen shilkaasi diyaaradeed, 76 ruux oo kale ay ku dhinteen shilka diyaaradeed.

Diyaarada oo ka duushay dalka Brazil ayaa waxaa la socday kooxda kubbada cagta ee Chapecoense oo ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee dalka Brazil.

Kooxda ayaa u socotay ka qeyb galka ciyaarta kama dambeysta ah ee Copa Sudamericana, waxayna la ciyaari lahaayeen kooxda ka dhisan magaaladda Medellin ee Atletico Nacional.

Lugta koowaad ee ciyaarta kama dambeysta ayaa la qorsheeyay iney dhacdo maalinta beri oo Arbacada ah, laakiin hadda hakad ayaa ciyaarta la geliyay.

Xiriirka kubbada cagta ee koofurta America ayaa sheegay in ciyaarta dib loo dhigay ilaa waqti dambe.
Sidoo kale dadka shilka diyaariyeed ku dhintay waxaa kamid ah ciyaaryahano, wariyaal , madax iyo marki la socotay kooxda.

Alan Ruschel, iyo labo goolhayeyaal oo lagu kala magacaabo Jackson Follman iyo Marcos Danilo ayaa loo badinayaa iney kamid ahaayeen dadkii shilka ka badbaaday.

Roobab xoogan oo magaalada ka da’ayay ayaa loo malaynayaa iney sababeen shilka diyaarada, wallow aan ilaa iyo hadda la cadeyn waxa shilka dhaliyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada