Daawo: Wiil Asalkiisa Soomaali Lagu sheegay oo Weerar ka Gaystay Jaamacada Ohio ee Dalka Maraykanka

Daawo: Wiil Asalkiisa Soomaali Lagu sheegay oo Weerar ka Gaystay Jaamacada Ohio ee Dalka Maraykanka

daajis.com:- Nin Asalkiisu yahay Soomaali ayaa weerar ku qaaday jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanka, halkaa oo uu ku dhaawacay sideed ruux kahor inta aan la dilin.

Ninka oo da’diisa lagu sheegay 18 sano jir ayaa ardey ahaa jaamacada Ohio oo ay dhigtaan inkabadan lixdan kun oo arday. Sideed qof ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dib markii gaari uu jiirsiiyay dad ku sugnaa jaamacadda gudaheeda.

Ninkaasi ayaa markaasi ka dib gaariga ka degay wuxuuna billaabay inuu middi ku weeraro dadkii kale. Waxaa markii dambe toogasho ku dilay booliska oo Jaamacadda Ohio gaaray.

Maamulka jaamacadda ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay deggan tahay. Waxaa kaloo ay xaqiijiyeen in howlgalikii ciidamada uu dhammaaday. Dadka dhaawacmay waxaa la sheegayaa in xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, cisbitaalka ay ku jiraan.

Lama oga in falkan uu la xiriiro arrimo argagaxiso hase yeeshee dowlada Maraykanka saraakil u hadashay ayaa sheegay inay baaritaanku sameyn doonaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada