Tarsan “Waxaa la ii diiday inaan u tartamo Kursiga Xildhibaanimo”

Tarsan “Waxaa la ii diiday inaan u tartamo Kursiga Xildhibaanimo”

daajis.com:- Duqii hore ee Muqdisho ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose.

Tarsan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga hor-istaagay inuu u tartamo kursiga Xildhibaannimo ee beeshiisa.

“Waxaa la ii diiday inaan u tartamo kursiga Xildhibaannimo si fudud ah, kaddib markii Ugaaska Beesheyda uu lacag fiican ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh”ayuu yiri Tarsan.

Mr Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu afka dheer ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh in nidaamka siyaasada kaliya aanu musuq maasuqin, balse odayaasha dhaqanka iyo bulshada uu musuq maasuqay, taasoo uu tilmaamay inuu aad uga xun yahay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa dhowaan Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi siyaasadeed, isagoo sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta sida aad u dhaleeceynayay siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh.
Doorashooyinka kuraasta Aqalka Hoose ee ka socda deegaanada maamul goboleedyada ayaa laga soo diiwaan geliyay musuq maasuq iyo awood sheegasho, iyadoo meelaha qaar ay ka dhaceen shaqaaqado dhimasho iyo dhaawac sababay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada