Donald Trump oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan (VIDEO)

Donald Trump oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan (VIDEO)

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay dunida ee la kulmo madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Mr. Abe ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xiriir is aaminaad leh uu la yeelan karo Madaxweyne Trump xilli uu saxaafada kula hadlay wadanka maraykanka oo uu booqanayo.


Shinzo Abe ayaa jawiga kulanka oo ka dhacay dhismaha Donald Trump uu ku leeyahay magaalada New York, ku micneeyay mid aad u diiranaa.

Donald Trump ayaan ka qeybgalin shirka jaraa’id ee uu qabtay ra’iisul wasaaraha dalka Japan, sababo la xiriira Fasax dhanka qaanuunka ah aawadii, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka kuma lug yeelanin qabanqaabinta kulankaasi.

Donald Trump ayaa ololihiisii doorashada intuu ku jiray waxa uu Japan iyo dalalka kale ee Aasiya ugu baaqay inay dhaqaale ku bixiyaan militariga dalka Mareykanka.

Sidoo kale diidmadiisa dhanka ganacsiga Trans-Pacific-ga ayaa waxay sii hurinaysaa walaaca dalalka ku yaala qaaradda Aasiya, ay ka qabaan madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada