Mukhalasiinta tahriibsha Soomaalida oo lug gooyo cusub bilaabay

Mukhalasiinta tahriibsha Soomaalida oo lug gooyo cusub bilaabay

daajis.com:- Mukhalasiinta tahriibsha Soomaalida ayaa lug gooyo cusub bilaabay taasoo ay meelo kale ugu sii safrinayaan dhallinyarada Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa haatan waxaa ka jira dagaalo u dhexeeya dawlada Yemen iyo xulufada Sacuudigu hor boodayo oo dhinac ah iyo fallaaga Xuutiyiinta ah ee shiicada dalkaasi Yemen. Dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo jeclaan lahaa inay dalkoodii hooyo qabtaan ayaa mukhalasiintu qasab ku keenaan Sudan ayagoo dabadeedna u jaheeya dhankaa iyo saxaraha Liibiya deedna ka dalba inay lacago dheeraad ah bixiyaan.

Mukhalasiinta ayaa marka hore u sheega inay ka kaxeynayaan Yemen oo ay geynayaan Soomaaliya balse sidaa ayay u hodaan.

Dhanka kale dalka Djabuuti ayaa wuxuu isku diyaarinayaa inuu qaabilo qaxooti cusub oo ka imaada wadamada jaarka ah sida Yemen oo dagaalka u dhexeeya dawlada Yemen iyo xulufada Sacuudigu hor boodayo oo dhinac ah iyo fallaaga Xuutiyiinta ah ee shiicada dalkaasi Yemen uu dhawaan soo labo kacleeyay.
Dawlada Djabuuti ayaa shalay sheegtay in ay diyaarinayso xeryo cusub oo qaxootigaa lagu qaabilo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada