Musharax Madaxweyne Fadumo Dayib oo sheegtay inay ka hartay doorashada 2016

Musharax Madaxweyne Fadumo Dayib oo sheegtay inay ka hartay doorashada 2016

daajis.com:- Mid ka mid ah musharixiintii hore u shaacisay inay u tartamayaan kursiga madaxweynaha Soomaaliya Fadumo Dayib ayaa sheegtay inay ka hartay doorashada sanadkan sababo la xiriir musuqmaasuq awgeed.

Marwo Fadumo ayaa sheegtay in ay ka qeybgalayso doorashada 2020-ka ee qof iyo cod, balse doorashada lagu soo xulayo baarlmaanka ayay ku tilmaantay mid cunsuriyad ay ku jirto.

“Waxaan filayaa inaan tartami doonin sababtoo ah heerka musuqmaasuqa waxa uu gaaray xad laga naxo oo niyad jab ah, mana doonayo in aan xalaaleeyo waxa aan ku habooneyn inaan u tartamo.”ayay tiri Dayib iyadoo ku sugan magaalada Nairobi.

Iyadoo sii hadashay Marwo Fadumo Dayib ayaa tiri;“Waxaan mar kale u tartami doonaa doorashada sanadka 2020ka waayo doorashadan ku salaysan qabiilka waa mid cunsuri ah waayo waa 4.5, Maxay tahay .5 dadka miyay ka liitaan balse immisa ayay sii socon doontaa arrintan hortaagan dimuqraadiyada?”ayay is weydiisay.

Fadumo Dayib ayaa sidoo kale waxa ay ku sababaysay ka bixida tartanka mid ay dhibsatay in mar walba dib loo dhigo xilliga doorashada taasoo ay ku tilmaantay inuu mas’uul ka yahay dib u dhigistaas Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Fadumo Dayib oo ah 44 sano jir waa haweeneyda kaliya ee ka mid ah 18ka musharax ee Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa iyadoo carruur ah waxa ay kala qaxday dalka Soomaaliya waalidkeed dagaaladii sokeeye ee dalka waxayna gashay dalka Finland iyadoo 14 jir waxayna xiligaas bilowday barashada qoraalka iyo akhrinta. Hase yeeshee waxa ay jaamacada Harvard ay ka qaadatay shahaadada Masterka waxa kale oo ay haysataa shahaadooyin kala duwan. Haweeneydan ayaa waxa ay u soo shaqeysay Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’ada UNICEF.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada