Walaalo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden

Walaalo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden

daajis.com:- Labo Soomaali walaalo ah oo lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden xalay saacada markeey aheyd 22:00, iyagoo fadhiya baar laga qaxweeyoo oo ku yaalo goob Soomaalidu aad ugu badan tahay lana yiraahdo Rinkeby.

Warar aan heleyno ayaa sheegay in labadaan walaalaha ah ay iska fadhiyeen baarka kadibna ay halkaasi ku soo weerareen dhalinyaro kale oo lagu qiyaasay 20 ilaa 25 kuwaas oo ku hubeysna bastoolado.

Qasaaraha goobta ka dhacay ayaa ah labadan wiil oo isla goobta ku dhintay iyo mid kale oo dhawaac ah kaasi oo  loola cararay cisbitaalka ku yaala meel aan goobta ka fogeyn.

Askarta magaalada Stockholm oo isla markiiba goobta yimid ayaa baadi goob ugu jira gacan ku dhiiglayaasha kuwaasi oo la sheegay iney ku baxsadeen gaari yar oo midibkiisa yahay cadaan.

Dhibataada dilka iyo dhaawaca ayaa iska caadi ah maalmahaan dambe kuwaasi oo dhalinyarado qaarkood ku hubeysan yahiin baastoolado maalinta cad siiba xafada Rinkeby iyo nawaaxigeeda ka geystaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada