Dawladda Gambia oo wayday 11 milyan, kadib markii Jameh isaga baxay (Video)

Dawladda Gambia oo wayday 11 milyan, kadib markii Jameh isaga baxay (Video)

daajis.com:-  In kabadan 11 milyan oo doolaar ayay dawladda Gambia sheegtay inay maqan tahay,  ka dib markii uu dalkaas isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yahya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwayne Adama Barrow.

Mai Ahmad Fatty ayaa sheegay in khuburo dhanka dhaqaalaha ah ay qiimaynayaan kharashka rasmiga ah ee dalka ka maqan.

Gawaadhida raaxada iyo alaabo kale ayaa la saaray diyaarad xamuul ii Chad laga leeyahay isla habeenkii uu Jammeh dalka ka baxay.

Jammeh ayaa dalkaas isaga tagay Sabtidii, isaga oo soo afjaray 22 sano oo uu xilka hayay.

Wuxuu aqbalay natiijadii doorashada laakiin wuxuu dalka kaga baxay wada xaajood ay sameeyeen madaxda dalalka gobolkaas iyo hanjabaado ku aadan in ay milatarigooda u diri doonaan haddii uu xal kale diido.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada