Akhriso: Buuga cusub ee Cabdi Weli Gaas “ Hawiye wuxuu doonayey inuu tirtiro Daarood”

Akhriso: Buuga cusub ee Cabdi Weli Gaas “ Hawiye wuxuu doonayey inuu tirtiro Daarood”

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa qoray buug cusub oo soo baxay bishii Febraayo ee sanadkan, kaasi oo si aad ah uu ugu weeraray beesha Hawiye, ugana been sheegay tariikha Soomaaliya

Buugga oo ku qoran luuqadda English-ka ayaa cinwaan looga dhigay,  A CHALLENGING TRANSITION IN SOMALIA A Story of Personal Courage and Conviction oo macanheedu yahay “Marxalad kala-guur oo adag ee Soomaaliya:  Waa sheeko qofeed oo Dhabar adayg iyo mabda’aan leex-leexad lahayn”

Inkasta oo buuga la qoray sanadkan, haddana waxa uu muuqdaa inuu qoray nin weli dhex taagan 1991-kii, marka la eego carrada, qubxiga, beenta iyo xaasidnimada ka dhan ah Hawiye ee Cabdi Weli Gaas uu soo xariiqay.

Waxa uu dagaalkii sokeeye ee dalka looga saaray Siyaad Barre ku sheegay dagaal ka dhan ahaa beesha Daarood, si aad ahna loogu xasuuqay. Waxaase yaab leh in isla buugga uu ku leeyahay “Beesha Daarood lagam adkaan, hase yeeshee ayagaa go’aansaday in Muqdisho isaga tagaan”. Marna lagama adkaan, marna waa la xasuuqay.

Qaar ka mid ah hadallada buugga ku qoran ayaa waxaa ka mid ah: “Jabhaddii USC ma dooneyn oo kaliya inay xukunka ka tuurto taliskii Maxamed Siyaad Barre, balse waxay sidoo kale dooneysay in tirtirto dhammaan beesha Daarood, oo ay u aragtay cadowgeeda nafeed. Shacabkii Daarood badankood, ayaa waxaa layaab ku noqday markii ay si deg deg ah u dareemeen inay jiritaankooda kasoo horjeedaan Hawiye iyo kuwii kale ee ka ciil qabay sareynta qaar ka mid ah beelaha Daarood ay ku naaloonayeen. Kooxdii USC waxay isu rogtay xaalad xasuuq, waxayna billowday isir sifeynta Daarood”

Meel kale oo qeybtan buugga ka mid ah ayuu Gaas ku yiri “Intii lagu guda jiray xaaladdan fowdada, Daarood ciidan ahaan loogama adkaan, lagamana eryin Muqdisho, hase yeeshee xubnihii Daarood badankood, oo aan diyaar u ahayn inay u dagaalamaan taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa si iskood ah uga tagey Muqdisho. Waxay u jiheysteen Afgooye, kadibna Marka kadibna Kismaayo, waxaana ugu dambeyntii lagu arkay xadka Kenya. Hadda waxaa qabiilka Muqdisho ugu xooggan noqday Hawiye, halka markii hore ay Hawiye iyo Daarood si isla eg u degenaayeen Muqdisho”.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Gaas uu doonayo inuu laba arrin is-waafajiyo oo ah tan koowaad inuu Hawiye ku eedeeyo xasuuq bani aadannimo oo ka dhan ah Daarood, iyo tan labaad oo ah inuu muujiyo in Daarood yahay qabiil Hawiye uusan ka adkaan karin, isaga oo leh ayagaa go’aansaday inaysan dagaalamin.

Aqriste waxaan idiin soo gudbin doonnaa qoraalo kale oo ka mid ah buugga Cabdi Weli Gaas, oo ah nin sheegta aqoonyahan, balse maskax daciif ah ay saaran tahay, isaga oo xilli Soomaaliya hadda ay dowladnimo wanaagsan rajo ka leedahay, nin Daarood ahna dalka uu hoggaaminayo, welibna kuwa u sacab tumay oo Muqdisho ku soo dhaweeyey ay Hawiye yihiin, weli maskaxda ay uga qufulan tahay 1991-kii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada