Biyoxireenka Ugu Weyn ee Dalka Soomaaliya oo Laga Hirgaliyay Duleedka Magaalada Hargaysa (SAWIRRO)

Biyoxireenka Ugu Weyn ee Dalka Soomaaliya oo Laga Hirgaliyay Duleedka Magaalada Hargaysa (SAWIRRO)

daajis.com:- Madaxda maamulka Somaliland ayaa furay biyoxireen cusub oo laga hirgaliyay duleedka magaalada Hargeysa kaas oo ay dhismahiisa fulisay Hay’adda Khaliifa ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Biyexireenkan ayaa waxaa ujeedadiisu tahay sidii loo kobcin lahaa biyo yarida ka jirta magaalada Hargaysa iyo hoos u dhaca Biyaha xilliyada abaaraha ee ay roob yaridu jirto.

Bedka Biya xireenkan waxaa uu la egyahay 150 Mitir halka dherarkiisu uu yahay 11 Mitir,waxaana uu keydin karaa Biyo dhan 350,000 Cubic Mitir.

Dhismaha mashruucan ayaa waxaa uu qaatay 13 bilood sida uu sheegay mas’uul katirsan Hay’adda Khaliifa, waxa ii intaas ku daray in mashruucaas uu horudhac u yahay mashaariic badan oo dowladda Imaaraadka Carabta ka fulineyso Soomaaliya.
Biyo xireenkan oo loogu magac daray (Xumbo-weyne) waxaa xariga ka jaray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo wafdi ka socday Hay’adda Khaliifa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada