Daawo:- Muxuu Farmaajo kusoo arkay Xarunta Baarlamaanka dalka Turkiga

Daawo:- Muxuu Farmaajo kusoo arkay Xarunta Baarlamaanka dalka Turkiga

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Ismail Kahraman.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa kawada hadlay xiriirka Somalia iyo Turkiga iyo sida ugu sahlan ee baarlamaanka Turkiga uu ku garab istaagi lahaa baarlamaanka Somalia.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka kala tirsan labada baarlamaan oo kala wehlinaayay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha.

Madaxweynaha ayaa booqday dhismaha Xarunta baarlamaanka Turkiga isagoo halkaa ku indha indheeyay qalab casri ah oo uu isticmaalo baarlamaanka Turkiga.

Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Ismail Kahraman, ayaa inta uu socday kulanka sheegay in baarlamaanka Turkiga uu diyaar u yahay in baarlamaanka Somalia uu ka garabsiiyo dhammaan howlaha ku xeeran baarlamaanada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Kahraman ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmajo oo dhowaan ku guuleystey doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Ismail Kahraman, ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay ka go’an tahay in Somalia ay si muuqda u garab istaagan, waxa uuna ballanqaaday in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan baarlamaanka Somalia.
Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmajo ayaa intaa kadib uga mahadceliyay dowlada Turkiga howlaha kala duwan ee ay ku taageerto dalka Somaliya.
Waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed gargaarka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlada Turkiga walalahooda Soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada