Daawo:- R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho Yimid iyo Ujeedka Socdaalka Wafdiga uu Hogaaminayey

Daawo:- R/wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho Yimid iyo Ujeedka Socdaalka Wafdiga uu Hogaaminayey

daajis.com:- Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Waxaana garoonka kusoo dhoweeyay  Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo Mas’uuliyiin kale .


Booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay u kuur gelida xaalada abaaraha, arrimaha bani’aadanimada iyo xoojinta howlaha mashaariicda iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya,  Waxaana  lagu wadaa inay la kulmaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay gaadiid loogu talo galay inay ka qeyb qaataan dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta la wareegay warshado ka qeyb qaadanaya dhismaha ka socdo gobolka Banaadir.

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada