Dagaal laga cabsi qabo in mar kale uu dhexmaro maamulada Galmudug iyo Puntland (Sababta)

Dagaal laga cabsi qabo in mar kale uu dhexmaro maamulada Galmudug iyo Puntland (Sababta)

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiisada ay tahay mid ka taagan Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, kaasi oo dhawaan Puntland ay sheegtay in ay balaarineyso dhismaha Garoonka.

Xiisada u dhexeysa labada maamul ayaa sidoo kale ka dhalatay guryo ku yaalla dhanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo kuwaa oo la burburiyay.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhaqdhaqaaq kawada qeybo kamid ah magaalada Galkacyo,waxaana lasoo sheegayaa in xiisada ay gaartay meelxun.

Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ayaa lagu arkayaa magaalada Gaalkacyo kuwaa oo xiisadooda ay tahay mid salka ku heysa Garoonka.
Ma jirto wax war ah oo kasoo kala baxay labada maamul oo ku aadan xiisada soo rogaal celisay ee Garoonka Gaalkacyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada